Guddoomiyaha Togdheer oo ku baaqay taageeridda aqoonsiga Somaliland – "Albaabkii ugu horreeyey wuu furmay"

0
Tuesday April 07, 2026 - 00:41:32 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 12
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Togdheer oo ku baaqay taageeridda aqoonsiga Somaliland – "Albaabkii ugu horreeyey wuu furmay"

    "35 sanadood ayaynu feedh, harraati iyo iskutashi kusoo wadnay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"35 sanadood ayaynu feedh, harraati iyo iskutashi kusoo wadnay



Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, mudane Maxamuud Cali Saleebaan "Ramaax”, ayaa sheegay in geeddi-socodka aqoonsi raadinta Somaliland uu soo maray marxalado adag oo dheer, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada oo dhan ay garab istaagto dadaalladaas.


 

Guddoomiyuhu wuxuu tilmaamay in 35 sano oo halgan, isku-tashi iyo dadaal joogto ah lagu soo gaadhay heerkan, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo taageerada ku aaddan aqoonsiga ay Somaliland ka heshay dalka Israa’iil.



 

"35 sanadood ayaynu feedh, harraati iyo iskutashi kusoo wadnay Qaranka JSL, waa in aqoonsigaa qof walba halkiisa ka taageeraa. Albaabkii ugu horreeyey wuu noo furmay waana in aan caalamka la jaanqaadno,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Togdheer.


 

Sidoo kale, wuxuu ku booriyey bulshada inay mideeyaan aragtidooda ku aaddan qaranimada iyo aqoonsiga, si loo sii xoojiyo fursadaha diblomaasiyadeed iyo xidhiidhada caalamiga ah.


 

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan doodaha la xidhiidha aqoonsiga Somaliland iyo xidhiidhada ay la yeelanayso dalalka caalamka, iyadoo masuuliyiintu ku baaqayaan midnimo iyo taageero ballaadhan.

Loading...
Loading...