Komishanka Tacliinta Sare iyo Caymiska Qaranka oo iskaashi cusub ka bilaabay wacyigelinta ardayda

0
Tuesday April 07, 2026 - 00:39:06 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 14
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Tacliinta Sare iyo Caymiska Qaranka oo iskaashi cusub ka bilaabay wacyigelinta ardayda

    Waxa si gaar ah loo falanqeeyey sidii ardayda jaamacadaha loogu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa si gaar ah loo falanqeeyey sidii ardayda jaamacadaha loogu



Guddoomiyaha Komishanka Tacliinta Sare iyo Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka, oo ay wehelinayaan labada agaasime guud iyo waaxyaha kala duwan ee labada hay’adood, ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay xafiiska Komishanka Tacliinta Sare.


 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray doorka caymisku ku leeyahay horumarinta bulshada, gaar ahaan sida loo kordhin karo wacyiga ardayda jaamacadaha ee ku saabsan faa’iidada caymiska.



 

Guddoomiyaha Komishanka Tacliinta Sare ayaa si diirran u soo dhaweeyey masuuliyiinta Hay’adda Caymiska Qaranka, iyadoo labada dhinac ay si qoto dheer uga doodeen muhiimadda caymiska ee dhinacyada caafimaadka iyo dhaqaale, iyo sida uu uga qayb qaato sugidda mustaqbalka bulshada.


 

Waxa si gaar ah loo falanqeeyey sidii ardayda jaamacadaha loogu wacyigelin lahaa faa’iidooyinka caymiska, loona fahamsiin lahaa doorka uu ku leeyahay ilaalinta nolosha iyo dhaqaalaha qofka iyo qarankaba.


 

Sidoo kale, kulanku wuxuu hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in caymiska lagu daro barnaamijyada wacyigelinta ee jaamacadaha dalka, si loo helo jiil aqoon u leh muhiimaddiisa.


 

Ugu dambayn, labada hay’adood ayaa si wadajir ah u dhisay guddi farsamo oo ka shaqayn doona diyaarinta qorshe iskaashi iyo hirgelinta tallaabooyinka ugu horreeya ee mashruucan, iyadoo la rajaynayo in ay keento natiijooyin wax ku ool ah mustaqbalka dhow.

 

=Wabillaahi Tawfiiq=

Loading...
Loading...