Maamulka Gabiley iyo UNICEF oo ka wada hadlay horumarinta waxbarashada miyiga iyo tiknoolajiyadda casriga ah

0
Tuesday April 07, 2026 - 00:38:19 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 14
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gabiley iyo UNICEF oo ka wada hadlay horumarinta waxbarashada miyiga iyo tiknoolajiyadda casriga ah

    Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dugsiyada miyiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dugsiyada miyiga



Maayarka Gabiley, Mudane Cabdirashiid Haybe Faarax (Daacad), oo uu weheliyo Maayar Ku-xigeenka Dr. Cabdilaahi Ismaaciil Cabdi iyo Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Marwo Fadxi, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay saraakiil ka socotay UNICEF, gaar ahaan qaybta waxbarashada.


 

Ujeeddada kulankan ayaa ahayd sidii loo horumarin lahaa waxbarashada miyiga, gaar ahaan dugsiyada ku yaalla deegaannada ka fog magaalooyinka, si kor loogu qaado tayada waxbarashada loona xaqiijiyo helitaanka fursado waxbarasho oo siman.



 

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii dugsiyada miyiga loogu xidhilahaa tiknoolajiyadda casriga ah, si ardayda iyo macallimiintuba ula jaanqaadaan horumarka dhanka aqoonta iyo nidaamyada waxbarasho ee casriga ah.


 

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda iskaashi joogto ah, iyaga oo muujiyey in wada shaqaynta u dhaxaysa maamulka degmada iyo hay’adaha caalamiga ahi ay door weyn ka qaadan karto horumarinta waxbarashada.


 

Ugu dambayn, kulankan ayaa la filayaa inuu horseedo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo waxbarashada miyiga, si loo helo jiil aqoon leh oo ka qayb qaata horumarka bulshada iyo dalka guud ahaan.

Loading...
Loading...