Xukuumadda Somaliland iyo odayaasha Sanaag oo ka wada hadlay nabadgelyada iyo horumarinta bariga Sanaag

0
Tuesday April 07, 2026 - 00:20:37 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 17
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland iyo odayaasha Sanaag oo ka wada hadlay nabadgelyada iyo horumarinta bariga Sanaag

    Odayaasha iyo waxgaradka ayaa kulanka si furan uga hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Odayaasha iyo waxgaradka ayaa kulanka si furan uga hadlay



Xubno ka mid ah golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland (JSL), maamulka gobolka Sanaag iyo kan degmada Ceerigaabo ayaa kulan muhiim ah la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan bariga gobolka Sanaag.


 

Kulankan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta u dhaxaysa dowladda iyo bulshada, sugidda nabadgelyada, iyo dardargelinta horumarka deegaanada bariga Sanaag.



 

Odayaasha iyo waxgaradka ayaa kulanka si furan uga hadlay xaaladda guud ee deegaanka, iyaga oo soo bandhigay talooyin wax ku ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xasiloonida deegaanka.


 

Masuuliyiinta dowladda ayaa dhankooda adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta iyo is-fahamka, iyaga oo ballan qaaday inay ka shaqayn doonaan hirgelinta talooyinka iyo baahiyaha ay soo jeediyeen bulshada deegaanka.


 

Kulankan ayaa loo arkaa mid xoojinaya xiriirka u dhexeeya xukuumadda iyo bulshada, isla markaana horseedi kara nabad waarta iyo horumar muuqda oo ka hirgala bariga gobolka Sanaag.

Loading...
Loading...