Bulshada Gobolka Sanaag oo hambalyo u dirtay wasiirrada cusub ee Warfaafinta iyo Biyaha JSL
Waayeelka, waxgaradka, cuqaasha, haldoorka iyo dhalinyarada Gobolka Sanaag ayaa hambalyo diirran iyo soo-dhaweyn sharaf leh u diray wasiirrada cusub ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) u magacaabay Wasaaradaha Warfaafinta iyo Horumarinta Khayraadka Biyaha.
Bulshada gobolka ayaa muujisay taageero buuxda oo ay u hayaan masuuliyiintan cusub, iyaga oo u rajeeyey inay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan qaranka iyo bulshada ay matalayaan.
Sidoo kale, waxay tilmaameen muhiimadda ay leeyihiin labada wasaaradood, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta, wacyigelinta bulshada iyo horumarinta adeegyada biyaha, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarka dalka.
Ugu dambayn, bulshada Sanaag ayaa ku boorisay wasiirrada cusub inay ka shaqeeyaan horumarinta adeegyada aas-aasiga ah, isla markaana ay noqdaan masuuliyiin u shaqeeya si caddaalad, hufnaan iyo wadaniyad leh, si loo gaadho horumar waara oo dalka ka hirgala.


0 





