Booliska Somaliland oo qabtay gaadhi VITS ah oo khatar ku ahaa waddada Hargeysa–Berbera
Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan qaybta nabadgelyada waddooyinka, ayaa gacanta ku dhigay gaadhi noociisu yahay VITS, kaas oo maalmihii u dambeeyey si khaldan u isticmaalayey jidka isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
Gaadhigan ayaa lagu arkay muuqaallo muujinaya isagoo si halis ah u kaxaynaya, isla markaana khatar gelinaya badbaadada gaadiidkii kale ee marayey waddadaasi, taas oo keentay in ciidamadu si degdeg ah uga falceliyaan.
Ciidanka Taraafikada ee gobolka Saaxil ayaa sheegay inay ku guulaysteen qabashada gaadhiga, balse ay weli ku daba jiraan darawalkii waday, kaas oo la filayo in marka la helo la horgeeyo hay’adaha garsoorka si sharciga loo mariyo.
Sarkaal u hadlay ciidanka ayaa sidoo kale digniin adag u diray darawallada kale, isagoo ku booriyey inay ilaaliyaan shuruucda waddooyinka, kana fogaadaan falalka khatarta gelinaya nolosha dadka iyo badbaadada gaadiidka.
Ugu dambayn, ciidanka Booliska ayaa adkeeyey inay sii xoojin doonaan kormeerka iyo tallaabooyinka lagu sugayo nabadgelyada waddooyinka, si loo yareeyo shilalka iyo falalka khatarta ah ee ka dhaca jidadka muhiimka ah ee dalka.


0 





