Somaliland oo diyaarisay 400 kun oo geed – Xuska Maalinta Qaran ee Dhir-beerista 15-ka April

0
Monday April 06, 2026 - 23:49:53 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 19
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo diyaarisay 400 kun oo geed – Xuska Maalinta Qaran ee Dhir-beerista 15-ka April

    Geedahan ayaa isugu jira kuwo hadh bixiya, kuwo bilicda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Geedahan ayaa isugu jira kuwo hadh bixiya, kuwo bilicda



Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL ayaa shaacisay inay diyaarisay 400 kun oo geed oo kala duwan, kuwaas oo loo qorsheeyey in lagu beero guud ahaan gobollada dalka, iyadoo lagu xusayo Maalinta Qaran ee Dhir-beerista ee ku beegan 15-ka April.


 

Geedahan ayaa isugu jira kuwo hadh bixiya, kuwo bilicda deegaanka kor u qaada iyo kuwo xooluhu daaqaan, waxaana lagu diyaariyey xarumaha tarminta dhirta ee gobollada dalka si ay si fudud u gaadhaan hay’adaha iyo bulshada.



 

Warqad ogaysiin ah oo ka soo baxday wasaaradda ayaa lagu wargeliyey wasaaradaha, hay’adaha iyo wakaaladaha dowladda inay qaataan doorkooda, isla markaana ka qayb qaataan qaadashada iyo beerista dhirtaas, taas oo qayb ka ah fulinta ballanqaadkii Madaxweynaha JSL ee ahaa in la beero 3 milyan oo geed muddada xilkiisa.


 

Wasaaraddu waxay xustay in dhir-beeristu tahay tiir muhiim u ah ilaalinta deegaanka, yaraynta saameynta isbeddelka cimilada, soo saarista hawada nadiifta ah iyo kor u qaadista bilicda dalka.


 

Ugu dambayn, wasaaradda ayaa ugu baaqday dhammaan bulshada inay si firfircoon uga qayb qaataan ololaha dhir-beerista, si loo helo deegaan caafimaad qaba iyo mustaqbal waara oo loo dhaxlo jiilasha dambe.

Loading...
Loading...