Maxamuud Raage Oo Ka Falaagoobey Siyaasadii Wasiiradiisa

0
Monday August 05, 2019 - 09:01:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamuud Raage Oo Ka Falaagoobey Siyaasadii Wasiiradiisa

    Inkasta oo ay haboonaan lahayd in dhaqanka qabiliga ahi aanu noqon halbeeg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkasta oo ay haboonaan lahayd in dhaqanka qabiliga ahi aanu noqon halbeeg

lagu cutiyo dhismaha dawladnimadeena, hadana waa xaqiiqo jirta in saldhiga siyaasadeenu tahay qabiil "clan politics”.Madaxweynaha waxa lagu doortaa nidaam qabiil, isna wuxuu dadkiisa wax ugu qaybiyaa nidaam qabiil waa nooca dawladnimada ka jirta shankaroon land-ta aynu la nool nahay.



Haddaba, siyaasiyiinta ama wasiirada reeruhu waxay matalayaal rasmi ah xukuumada ama waaxda fulinta dalka ugu yihiin oo ay wakiilo ka yihiin deegaanadii ay ka yimaadeen. Haddaba ninka fahmi kari waayey hab siyaasadeedka Somaliland u dhisantahay ee la shaqayn kari la siyaasiyiintii deegaankiisu waa maareeyaha Maxamuud Raage.


Siyaasadu waa dano iyo masaalix is barkan maanta ina raagoow waxa mustaqbalkaagu ku jiraa in aad daba gasho raga madaxweynuhu u xushay hotaaminta siyaasada deegaanka aynu ka nimid  ogobeey seef laboodnimada iyo mucaaridada raqiiska ah ee gudaha reerku waxba kuuma tarayso.


Waxa la yidhaahdaa hogaamintu waa qofka oo aqbala xaqiiqda hortaala, midna ku bushaarayso dawlada maanta jirtaa waxa haysta nin si fiican kuu yaqaana markaa waxa aan ku dhihi lahaa  cidla ha ku habsaamin hadii kale midhaa guuxaagii ayaad rabtaa in aad ka dheeraysee ka dheeree halkay kula gaadho aan dhawrnee. "dhubuq dhubuq hore dhabana hays danbe ayey leedahay”

 

Adan Muse Salah

Political Analyst

Hargeisa Somaliland

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...