Wasiirka cusub ee Biyaha JSL oo soo dhaweeyay xilka – "Waxba kama hagranayo masuuliyadda la i saaray"

0
Monday April 06, 2026 - 23:47:43 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 28
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka cusub ee Biyaha JSL oo soo dhaweeyay xilka – "Waxba kama hagranayo masuuliyadda la i saaray"

    Wasiirka ayaa sheegay inuu Alle ka baryayo inuu u fududeeyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka ayaa sheegay inuu Alle ka baryayo inuu u fududeeyo



Wasiirka cusub ee Wasaaradda Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland (JSL), mudane Maxamed Cabdimaalik, ayaa si weyn u soo dhaweeyey xilka uu Madaxweynaha JSL u magacaabay, isaga oo muujiyey farxad iyo masuuliyad qaadasho buuxda.


 

Wasiirka ayaa sheegay inuu Alle ka baryayo inuu u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, isla markaana uu ku dadaali doono sidii uu si hufan ugu shaqayn lahaa shacabka.



"Aad baan ugu faraxsanahay in jagadaas lay magacaabo, Allena waxaan ka baryayaa inuu ii fududeeyo. Waan dadaalayaa oo waxba la hadhi maayo,” ayuu yidhi Wasiirka cusub.


 

Sidoo kale, wuxuu caddeeyey in aanu waxba ka hagran doonin fulinta shaqada wasaaradda, isaga oo ballan-qaaday inuu xoogga saari doono horumarinta adeegyada biyaha iyo daboolidda baahiyaha bulshada.


 

Magacaabista wasiirka cusub ayaa la filayaa inay dardar geliso hawlaha Wasaaradda Biyaha, gaar ahaan xoojinta mashaariicda biyaha iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah ee ay bulshadu u baahan tahay.

Loading...
Loading...