Jamaal Maxamed Jaamac oo ku baaqay wadahadal dhab ah oo lagu xalliyo maxaabiista Hargeysa iyo Laascaanood

0
Monday April 06, 2026 - 23:45:52 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 40
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaal Maxamed Jaamac oo ku baaqay wadahadal dhab ah oo lagu xalliyo maxaabiista Hargeysa iyo Laascaanood

    Wuxuu si gaar ah ugu baaqay maamulka Laascaanood,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu si gaar ah ugu baaqay maamulka Laascaanood,



Wasiirkii hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyada JSL, Jamaal Maxamed Jaamac, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo bilaabo wadahadallo dhab ah oo xal looga gaadho arrinta maxaabiista ku kala xidhan magaalooyinka Hargeysa iyo Laascaanood.


 

Jamaal ayaa sheegay in Madaxweynaha JSL iyo xukuumaddiisu mar walba diyaar u yihiin fududeynta arrintan, isagoo xusay in loo baahan yahay in dhinacyada kale, gaar ahaan hoggaamiyeyaasha iyo waxgaradka ka jira bariga gobolka Sool, ay muujiyaan diyaar-garow wadahadal.



 

Wuxuu si gaar ah ugu baaqay maamulka Laascaanood, oo uu xusay Firdhiye iyo Garaadada, inay u soo dhowaadaan gogosha wadahadalka si loo helo xal waara oo lagu soo afjaro xiisadaha jira.


 

"Dad baa jira maxaabiis ah, Madaxweynaha JSL iyo xukuumaddiisuba mar walba waxay diyaar u yihiin inay arrintaa fududeeyaan. Waxaan ka rajaynaynaa dhinaca Laascaanood inay nala fududeeyaan oo ay yimaadaan gogosha wadahadalka,” ayuu yidhi.


 

Jamaal Maxamed Jaamac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey in wadahadalku yahay dariiqa kaliya ee lagu gaadhi karo xal, isagoo xusay in colaadaha ka dhasha khilaafaadka ugu dambayn lagu soo afjaro wada-hadal iyo is-afgarad.


 

"Raggu waa is-dilaa, marka lays-dilana waa la wadahadlaa. Waa waajib in la wada hadlo oo wax la isku afgartaa. Suurtagal maaha in la yidhaahdo hadli mayno ama jawaabi mayno,” ayuu hadalkiisa ku daray.


 

Ugu dambayn, wuxuu ku baaqay in dhammaan dhinacyadu ka shaqeeyaan nabadda iyo wada noolaanshaha, si shacabka ku nool deegaanadaasi ay u helaan xasilooni iyo mustaqbal wanaagsan.

Loading...
Loading...