Hoggaanka sare ee WADDANI oo si diirran u soo dhaweeyay Axmed Cali Baynax
Xubno ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga WADDANI ayaa maanta kulan is-xog-waraysi iyo soo dhawayn ah la yeeshay Wasiiru-dawlahii hore ee Wasaaradda Duulista & Hawada JSL, Axmed Cali Baynax, oo dhawaan ku soo biiray xisbiga.
Kulankan oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha xisbiga, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, kana qabsoomay xarunta xisbiga WADDANI, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Axmed Cali Baynax, oo lagu tilmaamay siyaasi saamayn muuqata ku leh gobollada bariga Somaliland iyo guud ahaan dalka.
Hoggaanka sare ee xisbiga ayaa ku ammaanay Axmed Cali Baynax doorka muhiimka ah ee uu ka qaatay nabadaynta, mideynta bulshada iyo xoojinta qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo xusay in khibraddiisa siyaasadeed ay wax weyn ka tari doonto horumarka xisbiga.
Dhankiisa, Axmed Cali Baynax ayaa uga mahadceliyey hoggaanka WADDANI soo dhawaynta diirran ee ay u sameeyeen, isaga oo ballan-qaaday inuu si firfircoon uga qayb qaadan doono dardar-gelinta hawlaha xisbiga iyo kobcinta taageeradiisa.
Kulankan ayaa muujinaya dadaalka xisbiga WADDANI ku doonayo xoojinta safkiisa iyo soo jiidashada siyaasiyiinta saameynta leh, iyadoo la eegayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.


0 





