Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo kulamo nabadeed ka wada Awdal iyo Selel – Odayaasha Fiqi-aadan oo ballanqaad sameeyey

0
Monday April 06, 2026 - 23:40:00 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 22
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo kulamo nabadeed ka wada Awdal iyo Selel – Odayaasha Fiqi-aadan oo ballanqaad sameeyey

    Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa nabad-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa nabad-

May be an image of one or more people



Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland, Cabdale Maxamed Carab, iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa deegaano ka tirsan gobollada Awdal iyo Selel, ayaa maanta kulan muhiim ah kula yeeshay odayaasha dhaqanka ee magaalada Fiqi-aadan.


 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa nabad-gelyada deegaanadaasi iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa bulshada iyo xukuumadda. Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo xasiloonida iyo ka hortagga wax kasta oo khatar ku ah amniga.


 

Odayaasha dhaqanka ee Fiqi-aadan ayaa muujiyey diyaar-garow buuxa oo ay kula shaqaynayaan xukuumadda, iyaga oo ballanqaaday inay door muuqda ka qaadan doonaan dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xalinta khilaafaadka.


 

Sidoo kale, wasiirka iyo weftigiisu waxay adkeeyeen in xukuumaddu ka go’an tahay taageeridda dadaallada nabadeed ee ka socda deegaanadaasi, isla markaana ay sii wadi doonaan kulamada ay la yeelanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada.


 

Ugu dambayn, kulankan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta wada-shaqaynta dowladda iyo bulshada, isla markaana horseedi kara nabad waarta oo laga hirgeliyo gobollada Awdal iyo Selel.

May be an image of one or more people
May be an image of one or more people, tree and text
May be an image of one or more people
May be an image of one or more people





Loading...
Loading...