Wasaaradda Caafimaadka JSL oo la wareegtay Xarunta Boqol-jire – Adeegyo cusub oo loo fidinayo Hooyooyinka iyo Aabbayaasha
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray xarunta Hooyada iyo Dhallaanka ee xaafadda Boqol-jire, degmada Gacma Dheere. Munaasabadda furitaanka waxaa ku weheliyay Isuduwaha Wasaaradda iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxiin Axmed Mooge.
Dr. Axmed Maxamuud Jaamac oo halkaas ka hadlay ayaa ku tilmaamay furitaanka xaruntan mid guul weyn u ah horumarinta adeegyada caafimaadka, isaga oo carrabka ku adkeeyey iskaashiga ka dhexeeya dowladda iyo bulshada ee hirgelinta mashruucan muhiimka ah.
"Waxaan soo dhawaynaynaa inaynu xadhigga ka jarno xaruntan ay dhismaheeda hirgelisay Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, shaqaalaheeda iyo faro-ku-haynteedana maanta ay kala wareegayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL,” ayuu yidhi Agaasimuhu.
Sidoo kale, Agaasimuhu wuxuu xusay in xaruntani aysan ku koobnaan doonin oo keliya adeegyada hooyooyinka iyo dhallaanka, balse ay ballaadhin doonto adeegyada caafimaad ee bulshada. "Ma noqon doonto oo kaliya meel hooyada u gaar ah ee xaruntan MCH-ka ah, xitaa aabbayaasha ayaa loogu adeegi doonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Xaruntan cusub ayaa la filayaa inay door weyn ka qaadato kor u qaadista adeegyada caafimaadka ee xaafadda Boqol-jire iyo guud ahaan degmada Gacma Dheere, iyadoo sidoo kale xoojinaysa isku xidhka u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo bulshada.


0 





