Wasaaradda Isgaadhsiinta JSL oo ka digtay khataraha internet-ka, kuna baaqday ilaalinta xogta muwaadiniinta
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) ayaa si rasmi ah uga hadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta xogta gaarka ah ee muwaadiniinta, isaga oo si gaar ah u xusay halista ka imaan karta amniga aaladaha dijitaalka ah ee la isticmaalo maalin kasta.
Qoraal uu ku daabacay bogga rasmiga ah ee Facebook ee wasaaradda, ayuu Agaasimuhu ku sheegay in ilaalinta xogta ay tahay arrin mudnaan gaar ah leh, isla markaana muhiim u ah badbaadada shaqsiyaadka iyo guud ahaan Qaranka.
Wasaaraddu waxay muwaadiniinta ku wacyigelisay inay feejignaadaan, kana digtoonaadaan dambiyada sii kordhaya ee lagu galo internet-ka, sida xatooyada xogta, khiyaanooyinka online-ka ah iyo weerarada lagu qaado akoonnada gaarka ah.
Sidoo kale, waxay tilmaantay in isticmaalka aaladaha dijitaalka ah uu noqday mid lama huraan ah, balse ay muhiim tahay in la qaato tallaabooyin amni oo adag, sida isticmaalka furaha adag (password), ka fogaanshaha links-ka aan la hubin, iyo ilaalinta macluumaadka shakhsiga ah.
Ugu dambayn, Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL ayaa ku boorisay bulshada inay kaalin muuqata ka qaataan ilaalinta xogtooda, si looga hortago khataraha amni ee sii kordhaya ee ka jira dunida dijitaalka ah.


0 





