Xalka Sami Qaybsiga Golaha Wakiilada

0
Monday August 05, 2019 - 08:56:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1778
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xalka Sami Qaybsiga Golaha Wakiilada

    Markasta oo doorashada Golaha Wakiilada la soo hadal qado, xubno Golaha Wakiilada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markasta oo doorashada Golaha Wakiilada la soo hadal qado, xubno Golaha Wakiilada
ka mida oo shaqadii loo doortay ku saqiday ayaa buuq iyo sawaxan bilaaba. Ujeeda ka danbaysa waa si aan lala tartamin. Golaha Wakiilada waxa la doortay 2005, muda xiloodkeedana waxa uu kaga eeka 2010. Mudo 9 sano, oon la dooran ooy isku kordhinayeen ayay kurasta iskaga fadhiyeen.  Ka hore doorashada 2005 kii ayaa Maxkamada Sare ee Somaliland go’aamisay in samiga Golaha Wakiilada ku fadhiyan doorashada lagu galo. Doorashooyinka Golaha Wakiilada ee mustaqbalkana lagu jaan gooyo diiwangalin dalka laga samayn doono. Haddaba, xubnaha Golaha Wakiilada ee iminka buuqa iyo qaylada wada waxaa looga fadhiyay in ay 14-ka sano ee xubnaha Wakiilada ahaayeen in ay ka hawl galan siddii dalka diiwan galinta looga hirgalin lahaa.


Haddii ay qawad san yihiin samiga Golaha Wakiilada ay ku joogan, waxay ahayd mudada xiloodkoodii la doortay inta aanu dhaman, in ay Xukumada ku qasban in ay diiwan galin dalka ka hirgaliso. Si ay samiga xaqa u leeyihiin u helan. Waxa hubaal ah, haddii maanta shan sano oo kale loo kordhiyan, in ayna samiga Golaha Wakiilada ayna ka hadleen. Haddaba, ma ah in marka loo kordhinaya inuu Samiga Golaha Wakiilada ku fadhiyan sax yahay, marka doorasho la soo hadal qadan uu samiga Golaha Wakiilada ku fadhiyaan aanu sax ahayn, eey wax ka maqan yahay. Taasi waa Munafaqada oon biyo ismarin.


Mar haddii hawshii loo igmaday ay gabeen Golaha Wakiilada, Guurtida iyo Xukuumadihii kala danbeeyay.  Waxaa ay mar labaad tahay in xal ku meel gadhada laga gaadho sami qaybsiga Golaha Wakiilada. Haddaba, xalka sami qaybsiga Golaha Wakiilada, waa inuu saddexdan mid uun noqdo:


1)      In mar labaad samiga Golaha Wakiiladu ku fadhiyan lagu galo doorashadani. Isla markana, gudi madax banan oo diiwan galinta dalka ka qabata la sameeyo. Gudidana hawsha diiwan galinta bilaaba marka doorashada ka dib. Si mar dabne, loogu murmin samiga qabsiga Golaha Wakiilada.

 


2)      In si ku meel gadha, ugu badnaan laba sano gudahood la kordhiyo tirada guud ee Golaha Wakiilada. Lagana dhigo 85 Xubnood, ama saddex (3) xubnood lagu kordhiyana. Hal xubin loogu daro gobalada Awdal, Sool, iyo Sanag (Sanag Bari).  Lakiin, hal shuruud lagu xidho koradhinta ku meel gadhka ah. Shuruudani oo ah, in laba sano gudahoodna diiwan galin dalka laga hirgaliyo, natiijada diiwangalintana lagu salayo samiga kuraasta Golaha Wakiilada la doorto ku sii fadhi doonan.

 


Haddaba, haddii shuruuda la isla qaato. Gobalkasta xubnaha Golaha Wakiilada ee doorashada codadka ugu yar ku soo baxa, waa in ay ogaadan, in xubinimadooda


Golaha Wakiiladu ay ku meel-gaadh tahay, kuna xidhan tahay natiijada ka soo baxda diiwan galinta. Haddii gobalkooda xubno ku dheerad yihiina, marka ay xubinimada Golaha Wakiilada wayi karaan.  Sida oo kale, xubnaha Golaha Wakiilada ee gobalkasta kaydka u ah, ay ogaadan haddii gobalkooda ay xubno ka dhiman yihiin, ay ku guulaysan doonan in ay xubin/xubno Golaha Wakiilada ka mid noqdaan.


 

3)      Haddaba, haddii labada qodab la isku afgaran wayo. Marka, waa in dib loogu noqdo fahanka habka dawladnimo eenu qaadanay. Dimiqradiyada waxay ku salaysan tahay in la qadariyo qofkast codkiisa, ama Hal-Cod Hal-Qof (One Man One Vote). Marka,  xubnaha Golaha Wakiilada ee dadka Somaliland matala waa in ay codka ay ku soo baxaan isku dhawaadan, gobalka ama degmada uu doono ha ku nooladee. Cadaalada kama danbayntuna taasi ayay ku qotantaa. Sida daraadeed, waa in la cayimo tiro codadka ee xubinta Golaha Wakiilada laga noqon karo. Tusaale ahaana waa in ay noqoto inta u dhaxaysa 3000 ama 5000 oo cod.  Marka waa in samiga Golaha Wakiilada lagu jaan gooyo isku celceliska codadka laga dhiibto gobalkasta. Waana in la diiwan galiyo dadka aan hore isku diiwan galin.


 

Degmooyinka gobalada Sool, Sanag (ama Sanag Bari) iyo degmada Buuhoodle, maamulka dawladnimo sida deganada Somaliland ee kale uma wada gaadhin. Marka, tira is-diiwan galisay ma noqonayso mid dhamaystiran. Sida daradeed, tirada is diiwan galisay iyo qiyaas-ahaan inta aan is diiwan galin waa in la isku geeyo. Sidana lagu jaan gooyo samiyada deganadasi ka helayaan Golaha Wakiilada.


 

Gaba gabadii, danteenu waxay ku jirtaa in ay doorashada Golaha Wakiilada iyo Deganku dalka laga qabto, si golayaashani fadhiidka ah loo kala diro. Teeda kale, xubin ama laba xubnood oo Golaha Wakiilada oo gobal helo ama waya, wax wayn ka badali mayso wada jirka dalka. Wanaaga iyo horumarka dadka iyo dalka, meel kasta ha ku nooladee waxaa keenaya in la doorto dad garaadkoodu sareeyo, oo u qalma in la doorto. Mudanayaal iyo Marwooyin aqoon, wayo aragno, firfircoono, isla markana danaynaya horumarka dadkooda iyo dalkooda. Teeda kale, waa in dadka Somalidu ka koraan siyaasiyiin kursi doona, oon dantooda wadin inuu isticmaalo.

 

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!

OMAR ABDI YOUSUF   

OAKLAND, CALIFONIA

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...