Qaali Weeye Nabaduye, Qaar Lagu Salidayoo ,Quudhayninba Badan.

0
Saturday April 04, 2026 - 14:28:07 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaali Weeye Nabaduye, Qaar Lagu Salidayoo ,Quudhayninba Badan.

    Bahda H/W Iyo Akhristayasha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bahda H/W Iyo Akhristayasha.



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim

(A.S.C.W.R.W.B) Tu Khaas Ahna,

Bahda H/W Iyo Akhristayasha.



 

 

1-Qaxarka Iyo Colaaduhu,

Qaaraday Ku Badanyiin,

Qaniimada Ay Leeyahiin,

Qoriga Iyo Rasaastiisa,

Qarashkay Ku Bixiyaan.



 

2-Qadooday Ku Seexdaan,

Qurux Baanay Moodan,


Qora Iyo Akhriyahaan,

Qiime Badan Lahaynoy,


Qawadaan Tilmaantiis.


 

3-Qalalaasehiyo Buuqan,

Qoonsimaad Lahaynon,

Qalasba Loo Yaqaanaa,

Quuna Way Qadiriyaan,

Quna Loogu Faanaaba.


 

4-Qorshaha Dawladnimo,

Qalad Bay Ka Haystaan,

Quwad Laysku Xoogayo,

Qaybna Ay Ku Raacdayo,

Qudhiisu Duldhigayaaba.


 

5-Qofkii Meel Haleelaana,

Qunyar Kagama Tegayo,

Qiilka Ugu Wanaagsanee,

Qayladaba Yareeyaanah,

Qaataye Qaado Weeyaan.


 

6-Qaydhiin Ku Qaybsadoo,

Qalaylka Loogu Xiiriyo,

Qabso Oo Ha Qadinuun,

Qawaniintu Waa Xooga,

Qushgiisa Itaal Darane.


 

7-Qayrkood Gaadhmaayan,

Qaanaan Dhamaanaynin,

Qarafaysi Joogto Ahbaa,

Qaati Tahay Aduunyaduh,

Qaranimo Ma Mudanyiin?.

Ismai Abdillahi Handuleh.

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...