Xulufadu Hubkay Siisaye,Xamarba Buuxdhafay, Xayiraadi Laga Qaadaybu,Xoog La Soo Baxaye.

0
Saturday April 04, 2026 - 14:18:40 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulufadu Hubkay Siisaye,Xamarba Buuxdhafay, Xayiraadi Laga Qaadaybu,Xoog La Soo Baxaye.

    Xera Gobolka Bay Looga Dhigay,Xulufadii Qaareh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xera Gobolka Bay Looga Dhigay,Xulufadii Qaareh.



Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim (A.S.C.W.R.W.B)

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

Xuub caariyo Gurguurto,Hub Helay Soo Xasil Waye,

Xoog Isbido Xuduudaha U Fure,Xoogaga Coloobay,



Xera Gobolka Bay Looga Dhigay,Xulufadii Qaareh.

 

Xaga Kalena Xoogba Fadhiya,Xarunta Dooloowe,


Xasanoow Xisaabihi Isxidhe,Xero Ka Saarkaagan.

Xoor Iyo Digaag Baad Istidhi,Xero Qudha U Oodo.


 

Xasiraadii Laga Qaadayba,Dhalay Xumaantaase,

Xoogaad Xakabo Geysayed,Xabashidaw Loogtay,


Xarakadina Kugu Xerante,Xamar Dushed Joogto.

 

Xusuladay Ku Sidata Doqoni,Xadhiga Loo Soohay,


Xagad Uga Baxdan Maanta Jirin,Xamarna Afayse,

Xasanena Ku Qarinmayoo,Xeer Ummaad Dhiganin.


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...