KTS oo Wada-shaqeyn Caalami ah la Bilowday Jaamacadda Bristol iyo Khubaro Tacliin Sare

0
Saturday April 04, 2026 - 11:26:13 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 82
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KTS oo Wada-shaqeyn Caalami ah la Bilowday Jaamacadda Bristol iyo Khubaro Tacliin Sare

    Kulankan ayaa ahaa mid isbarasho iyo wada-tashi ah, iyadoo ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankan ayaa ahaa mid isbarasho iyo wada-tashi ah, iyadoo ....


May be an image of one or more people


Kulan muhiim ah ayaa ka qabsoomay xarunta Komishanka Tacliinta Sare (KTS), kaas oo ay ka qeyb galeen masuuliyiinta ugu sarreysa Komishanka, waaxyaha kala duwan ee hay’adda, iyo Professor Eric Herring oo ka socday Jaamacadda Bristol.


 

Kulankan ayaa ahaa mid isbarasho iyo wada-tashi ah, iyadoo diiradda lagu saaray horumarinta Tacliinta Sare ee dalka iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah. Professor Eric Herring ayaa si qoto dheer uga hadlay khibraddiisa dheer ee dhanka Tacliinta Sare, isagoo iftiimiyay hababka ugu waxtarka badan ee lagu horumarin karo tayada waxbarashada, cilmi-baarista iyo nidaamyada jaamacadaha.


 

Dhankooda, masuuliyiinta KTS ayaa soo bandhigay waxqabadka Komishanka, muddadii uu jiray, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee ay mudnaanta siinayaan, gaar ahaan kor u qaadidda tayada waxbarashada sare iyo nidaaminta hay’adaha waxbarashada.


 

Kulankan ayaa sidoo kale ahaa bilowga wada-shaqeyn saddex geesood ah oo u dhaxeysa KTS, Professor Eric Herring iyo Transparency Solutions, taas oo la filayo inay door muhiim ah ka qaadato horumarinta siyaasadaha waxbarashada, hufnaanta iyo kobcinta cilmi-baarista.


 

Ugu dambeyn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo rajo laga qabo wada-shaqeyn miro dhal ah oo sare u qaadi doonta heerka Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

May be an image of one or more people
May be an image of one or more people, dais and newsroom
May be an image of one or more people
May be an image of dais
May be an image of one or more people
May be an image of studying
May be an image of one or more people and people studying
May be an image of one or more people

Loading...
Loading...