Madaxweyne Erdogan Oo Shaaciyay Duulaan Uu Ku Fulinayo Gudaha Suuriya
Waxa
uu sheegay in hawlgalka ay ku beegsan doonaan deegaannada ay ka taliso jabhadda
YPG ee bariga webiga Furaat.
Turkiga ayaa marar hore duulaan xooggaan ku beegsaday xooggaga YPG ee ku sugan galbeedka webigaasi.
Xooggaga Kurdiyiinta ah ee YPG ayaa ka samaystay bariga webiga Furaat ee waqooyiga Suuriya dhul maamulkiisa ay u madax bannaan yihiin.
Dowrka muhiimka ah ee ay ka qaateen dagaalkii looga adkaaday ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa u sahlay dagaalyahannada YPG inay kasoo tallaabaan webiga ayna la wareegaan dhul ka tirsan Suuriya.
"Horay waxaan u galnay Cafriin, Jarablus, Al-Bab, haddana waxaan geli doonnaa bariga Furaat. Xogtaasi waxaan la wadaagnay Ruushka iyo weliba Maraykanka." ayuu yiri Erdogan
Milateriga
Turkiga ayaa marar hore fuliyay weerarro uu dagaalyahannada Kurdiyiinta ah uga
saarayo deegaannadaasi, waxaana uu u arkaa YPG urur argagixiso oo la mid ah kan
isku magacaabay dowladda Islaamka.
Balse
arinta waxaa cakiray taageerrada uu Maraykanka siiyo Kurdiyiinta, gaar ahaan
YPG.
Xilli
Washington ay isu diyaarinayso inay dhinto hawlgalkeeda milateri ee Suuriya,
ayaa waxa uu maamulka Trump ballanqaaday inuu gacan ka geysan doono samaynta
aag ammaan ah oo dhaca xuduudda waqooyi bari ee ay Suuriya la leedahay Turkiga.
Xukuumadda Ankara ayaa u muuqata mid ku daashay ballanqaadka aan fulin ee Washington, duulaan ka dhan ah Kurdiyiinta oo ka dhaca bariga Furaat-na waxa uu dhalin karaa colaad ballaaran oo horleh.
BBC


0 





