Madaxweyne Cirro: "Wufuud Heer Sare ah ayaa loo Dirayaa Awdal iyo Salel"
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shaaciyey in xukuumaddu dirayso wufuud culus oo heer sare ah si ay u gaadhaan gobollada Awdal iyo Salel, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo beeleed sababay khasaare.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in wufuuddan ay hoggaamin doonto Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, isla markaana ay si degdeg ah u bixi doonaan, si loo dardargeliyo dadaallada nabadaynta iyo joojinta colaadda.
Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi:
"Maanta waxaan iskugu nimi gurmad qaran, markaa waxaan u baahanay qorshihii aan nabad-darro dambe ku baajin lahayn, nabaddii iyo heshiisna ku hirgalin lahayn inaan ka wada tashanno.”
Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray in loo baahan yahay qorshe mideysan oo degdeg ah, kaas oo lagu joojinayo colaadda, laguna gaadhayo heshiis waara oo dhex mara labada beelood ee dirirtu ka dhex aloosan tahay.
Sidoo kale, waxa uu carrabka ku adkeeyey in gurmadka xukuumaddu dirayso uu si dhaqso ah u gaadho goobaha colaadda, si loo xakameeyo xaaladda loona soo celiyo nabadda.
Go’aankan ayaa muujinaya sida ay xukuumaddu uga go’an tahay in si degdeg ah loo xalliyo colaadaha gudaha, loona xaqiijiyo xasillooni iyo wada noolaansho waara oo ka hirgala gobollada galbeedka Somaliland.


0 





