Siyaasi Duur: "Labada Dhinacba Nabad Way Diyaar u Yihiin, Xabad-joojin Degdeg ah Ayaa Loo Baahan Yahay"
Siyaasi Maxamed Nuur Carraale "Duur”, oo ka mid ah Guddiga Nabadda Qaranka JSL, ayaa sheegay in ay kulamo la yeesheen madaxdhaqameedka labada beelood ee ay shaqaaqadu ku dhex martay gobollada Awdal iyo Salel, isla markaana ay ka heleen jawaab cad oo muujinaysa inay nabad diyaar u yihiin.
Siyaasi Duur ayaa xusay in madaxdhaqameed, ganacsato iyo haldoor ka kala yimid Hargeysa iyo Diridhaba ay si isku mid ah u muujiyeen rabitaanka nabadda, isla markaana loo baahan yahay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda.
Isagoo arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi:
"Labada dhinacba waa aragnay, nabad lama diidana. Hawlgal balaadhan oo kooxda Wasiirka Arrimaha Guduhu hoggaaminayo ayaa socday, waxaana ku nidhi taageera xabad-joojinta bilowga ah.”
Wuxuu sidoo kale sheegay in dhinacyada qaarkood ay si cad u codsadeen nabad, isagoo yidhi:
"Qoladii Ciise ee timi saddex cisho ayaan is horfadhinay, nabad naga qora ayay yidhaahdeen, waana qornay.”
Hadaladan ayuu Siyaasi Duur ka jeediyey kulan uu maanta Madaxweynaha Somaliland la yeeshay shir-guddoonka Baarlamaanka, guddiga nabadda iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, halkaas oo diiradda lagu saaray dadaallada lagu xoojinayo nabadaynta.
Ugu dambayn, waxa uu ku baaqay in la dardargeliyo xabad-joojinta iyo wada-hadallada nabadeed, si loo soo afjaro colaadda loona xaqiijiyo xasillooni waarta.


0 





