Wasiirka Caafimaadka: "Allaybaday Waa La Hagraday, Cisbitaalkana Isku Tashi Ayaa Lagu Dhisayaa"
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa sheegay in xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka soo maray ay hagradeen degmada Allaybaday, gaar ahaan dhinaca adeegyada caafimaadka.
Wasiirka oo arrintan ka hadlayay ayaa yidhi:
"Dawladihii kala dambeeyay ee dalku way hagradeen degmada Allaybaday dhinaca caafimaadka.”
Mudane Xuseen Bashiir Xirsi ayaa sidoo kale shaaciyay in qorshe cusub lagu dhisi doono Cisbitaal casri ah oo degmada Allaybaday ah, kaas oo lagu hirgelin doono isku tashi u dhexeeya dawladda iyo bulshada.
Waxa uu yidhi:
"Isku tashi dawladda iyo bulshada ah ayaynu ku dhisaynaa Cisbitaalka Allaybaday.”
Wasiirku wuxuu xusay in xukuumaddu diyaar u tahay inay door muuqda ka qaadato hirgelinta mashruucaasi, si loo helo adeegyo caafimaad oo tayo leh oo ay ka faa’iidaystaan bulshada deegaanka.
Hadalka wasiirka ayaa muujinaya dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu horumariyo adeegyada caafimaadka ee deegaannada hore uga liitay, isla markaana lagu xoojiyo wada-shaqaynta bulshada iyo dawladda.


0 





