Guddoomiyaha Burco Central University: "Khilaafkii Jaamacadda Si Rasmi ah ayaa Loo Xaliyay"

0
Saturday March 28, 2026 - 15:02:41 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 167
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Burco Central University: "Khilaafkii Jaamacadda Si Rasmi ah ayaa Loo Xaliyay"

    Waxbaa ina yara dhex orday bishii la soo dhaafay, arrintaana waynu ka soo kabanay."...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxbaa ina yara dhex orday bishii la soo dhaafay, arrintaana waynu ka soo kabanay."...


Guddoomiyaha Jaamacadda Burco Central University, Marwo Faadumo, ayaa shaaca ka qaaday in khilaafkii bishii la soo dhaafay ka dhacay jaamacadda si rasmi ah loo xaliyay, isla markaana xaaladdu ay dib ugu soo noqotay caadi.


 

Guddoomiyuhu waxay sheegtay in arrintu ahayd mid kooban oo si degdeg ah looga soo kabtay, iyadoo tidhi:



"Waxbaa ina yara dhex orday bishii la soo dhaafay, arrintaana waynu ka soo kabanay.”


 

Waxay xustay in xalinta khilaafka ay door weyn ka qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan, iyadoo sheegtay:


"Arrinta waxa dhameeyay Madaxweynaha Qaranka… isaga iyo team-kiisa madaxtooyada ayaa arrinteennnii dhameeyay.”


 

Sidoo kale, Marwo Faadumo ayaa u mahadcelisay bulshada Somaliland, oo ay sheegtay inay si weyn u garab istaageen jaamacadda muddadii ay arrintu socotay.


 

Guddoomiyuhu waxay si cad u adkaysay in jaamacaddu tahay goob aqooneed oo aan siyaasad ku lug lahayn, iyadoo tidhi:


"Manihin meel siyaasadeed… waxaynu nahay dad academic ah oo waxbarasho ku mashquulsan.”


 

Waxay intaas ku dartay in jaamacaddu xoogga saarayo waxbarashada caafimaadka iyo horumarinta aqoonta bulshada, si loo kobciyo tayada waxbarasho ee dalka.


 

Ugu dambayn, waxay baaq u dirtay dhinacyadii ay arrintu saamaysay, iyadoo ku boorisay iscafis, isu tanaasul iyo wadajir, si loo xoojiyo jawi nabdoon oo waxbarasho.

Loading...
Loading...