Xisbiga KAAH oo Qaabilay Wefti ka Socda Xisbiga Liberal Party of Norway

Hoggaanka Xisbiga KAAH ayaa xarunta dhexe ee xisbiga ku qaabilay wefti ka socday Liberal Party of Norway, kuwaas oo iskaashi dhaw la leh ururka waddaniga ah ee YEEL Development Organization.
Weftigan ayaa qayb ka ah mashruuca WOMPOL, oo diiradda saaraya kor u qaadista ka qaybgalka siyaasadeed ee dhalinyarada iyo haweenka, si loo xoojiyo doorkooda hoggaamineed ee bulshada.
Kulankan muhiimka ah ayaa lagu falanqeeyay:
Xoojinta qiyamka dimuqraadiyadda
Dhiirrigelinta ka qaybgalka firfircoon ee dhalinyarada iyo haweenka
Horumarinta iskaashiga siyaasadeed iyo bulsho
Masuuliyiinta labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii adkeeyo xidhiidhka iyo wada-shaqaynta, si loo gaadho horumar muuqda oo dhinacyada dimuqraadiyadda iyo ka qaybgalka bulshada ah.
Booqashadan ayaa muujinaysa dadaallada socda ee lagu xoojinayo hannaanka dimuqraadiyadeed iyo ka qaybgalka bulshada, gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka Somaliland.
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |
![]() |


0 










