Wasiirka Tamarta JSL oo Dardargelinaya Mashruuca Soo Kabashada Korontada (SESRP)

0
Saturday March 28, 2026 - 14:43:26 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Tamarta JSL oo Dardargelinaya Mashruuca Soo Kabashada Korontada (SESRP)

    Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd in wasiirka lagu siiyo warbixin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd in wasiirka lagu siiyo warbixin



Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Jaamac Barre, ayaa shir guddoomiyay kulan ay yeesheen xubnaha fulinaya Mashruuca Soo Kabashada Korontada Somaliland (SESRP), kaas oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda.


 

Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd in wasiirka lagu siiyo warbixin faahfaahsan oo ku saabsan heerka uu marayo mashruucu, iyo sidii loo dardargelin lahaa hawlaha socda si loo xaqiijiyo yoolalka la hiigsanayo.



 

Masuuliyiinta mashruuca ayaa soo bandhigay horumarka la gaadhay iyo caqabadaha jira, iyadoo la isla qaatay in la xoojiyo dadaallada si mashruucu u galo marxalad wax-ku-ool ah oo hirgelin buuxda ah.


 

Ugu dambayn, Wasiir Axmed Jaamac Barre ayaa xubnaha mashruuca ku dardaarmay inay sii xoojiyaan shaqadooda, maadaama mashruucu galay heer muhiim ah oo fulin ah, isagoo xusay in qorshuhu yahay in mashruuca la soo gabo’gabeeyo dhammaadka sannadka 2026.


 

Mashruucan ayaa la filayaa inuu bulshada Somaliland u suurtageliyo:

 

Helitaanka koronto jaban

Adeeg la isku halayn karo

Isticmaalka ilo tamar nadiif ah oo deegaanka u roon

 

Tani waxay qayb ka tahay dadaallada xukuumadda e

Loading...
Loading...