Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Ciidanka Socdaalka JSL oo Xoojinaya Wada-shaqaynta
Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha JSL ayaa shir muhiim ah ku yeeshay magaalada Hargeysa, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta, isfahamka iyo isu-duwidda hawlaha.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay madaxda sare ee labada dhinac, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa adeegyada arrimaha bani’aadannimada iyo maamulka socdaalka.
Masuuliyiinta ayaa isla qaatay in ay lagama maarmaan tahay:
In la xoojiyo wada-shaqeyn joogto ah
In la kordhiyo isfahamka hay’adaha
In la hubiyo bixinta adeegyo hufan oo tayo leh
Kulankan ayaa muujinaya dadaalka ay xukuumaddu ku doonayso in la isku xiro hay’adaha muhiimka ah, si loo helo adeegyo wax ku ool ah oo ka jawaabaya baahiyaha bulshada iyo arrimaha socdaalka.


0 





