Ujeedada Shir Oromada Iyo Soomaalida Uga Furmay Jigjiga

0
Sunday August 04, 2019 - 21:14:23 in News by
  • Visits: 2401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Shir Oromada Iyo Soomaalida Uga Furmay Jigjiga

    Ujeedada Shir Oromada Iyo Soomaalida Uga Furmay Jigjiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ujeedada Shir Oromada Iyo Soomaalida Uga Furmay Jigjiga


Jigjiga(HWN):-Waxaa si rasmi ah magaalada Jigjiga uga furmay Shirkii Nabadeed ee Soomaalida iyo Oromada, Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda labada deegaan, Odayaal dhaqameedka Soomaalida iyo Abaagadhayaasha Oromada, Guddoomiyaha Ururka ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan, Madax heer fadaraal ah iyo marti sharaf kale.

 





Haddaba Shirkan ayaa waxaa lagu furay heeso wadani ah oo ay isla qaadayeen kooxaha fanka ee labadan deegaan, intaa kaddib Odayaal dhaqameedka labada degaan ee Soomaalida iyo Oromada ayaa si wada jir ah u duceeyay uguna duceeyay in Soomaali iyo Oromo Ilaahay Nabad waarta kala dhex dhigo.



Madaxwaynaha DDS Mustafe Cagjar ayaa shirkan furay hadallo koobana kasoo jeediyay isagoo ka hadlay xidhiidhka walaaltinimo ee Soomaalida iyo Oromada kulana dardaarmay in lasii xoojiyo Nabadda iyo walaaltinimada labada qawmiyadood.





Sidoo kale Madaxwaynaha Deegaanka Oromiya Shimalis Abdisa ayaa geestiisa sheegay in labada shacab ee Soomaalida iyo Oromadu ahaayeen walaalo, waxa kale oo uu sheegay in halgamayaashii Oromadu markii ay duurka ku jireen in hooyooyin Soomaaliyeed ay caanaha iyo biyaha siin jireen, sidoo kale waxaa uu sheegay in Caalamku markay yidhaahdeen Afka Oromadu Raadiyaha ayuu jabinayaa inay Soomaalidu yiraahdeen ma jabinayo. wuxuuna hadalkiisa kusoo khatimay in Oromada iyo Soomaalidu dib dambe la isugu diri karin iskuna dhici doonin.



Odayaal dhaqameedka labada deegaan ayaa goobta ka hadlay oo hadallo qiimo leh kasoo jeediyay dhammaana waxaa laga sinaa xoojinta walaaltinimada labada dhinac ee Soomaalida iyo Oromada.

 

 

Loading...
Loading...