Wasiirka Gaadiidka oo Faahfaahiyay Xeer Cusub oo Lagu Maamulayo Badda Somaliland

0
Saturday March 28, 2026 - 14:34:24 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 83
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaadiidka oo Faahfaahiyay Xeer Cusub oo Lagu Maamulayo Badda Somaliland

    Wasiirku wuxuu sheegay in halka 90% gaadiidka dhulka mara l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirku wuxuu sheegay in halka 90% gaadiidka dhulka mara l



Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cismaan Ibraahin Nuur (Af-gaab), ayaa faahfaahin ka bixiyay xeer cusub oo lagu maamulayo xuduudaha badda iyo gaadiidka biyaha ee Somaliland.


 

Wasiirku wuxuu sheegay in halka 90% gaadiidka dhulka mara la ogyahay oo la xakameeyo, haddana badda ay maraan gaadiid aad u badan oo aan si buuxda gacanta loogu hayn, taas oo sababtay baahida loo qabo dejinta xeerkan cusub.



 

Wuxuu xusay in xeerkan uu ku saleysan yahay shuruucda caalamiga ah ee maraakiibta iyo gaadiidka badda, isla markaana uu qeexayo sida Somaliland ula macaamili doonto gaadiidka iyo maraakiibta ku dhex socda biyaha dalka.


 

Wasiirka ayaa sidoo kale sharaxay xuduudaha badda Somaliland, isagoo tilmaamay in ay xuduud la leedahay:

 

Yemen dhinaca badda

Jabuuti dhinaca galbeed

Soomaaliya dhinaca bari

 

Isagoo arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi:


"Inta badan gaadiidka dhulka mara waa la yaqaan, balse badda waxa maraya gaadiid badan oo aynaan lahayn. Qaar waa kuwo inoo raran, qaarna maaha, waxaana loo baahan yahay xeer lagu maamulo si haddii wax dhacaan loo helo nidaam lagula xisaabtamo.”


 

Wasiirku wuxuu caddeeyay in xeerkan aanu ahayn mid ganacsi oo keliya, balse uu yahay mid lagu maamulayo ammaanka, xuduudaha badda iyo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta, si loo helo nidaam cad oo waafaqsan sharciga caalamiga ah.


 

Ugu dambayn, waxa uu tilmaamay in xeerkan muddo dheer la qorsheynayay, balse hadda la gaadhay heerkii lagu hirgelin lahaa, isagoo muhiim u ah ilaalinta madaxbannaanida badda iyo sugidda ammaanka qaranka.

Loading...
Loading...