Gaashaanle Sare Fanax oo Loo Magacaabay Taliyaha Aagga Bari ee Ciidanka Qaranka JSL
Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Cabdulle Nuur (Fanax) ayaa si rasmi ah loogu magacaabay Taliyaha Aagga Bari ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Taliye Fanax ayaa xilkan kala wareegaya Taliyihii hore ee Aagga Bari, Sareeye Guuto Cali Barre Xuseen, oo muddo dheer soo hoggaaminayay aaggaasi, isla markaana door muuqda ka qaatay hawlaha amni iyo difaac ee ciidanka.
Magacaabistan ayaa qayb ka ah dadaallada xukuumaddu ku doonayso xoojinta hoggaanka, tayeynta hawlgalada ciidanka, iyo kor u qaadista waxtarka Ciidanka Qaranka, gaar ahaan Aagga Bari.
Waxaa la filayaa in Taliyaha cusub uu sii ambaqaado hawlaha muhiimka ah ee aagga, isagoo diiradda saaraya adkaynta amniga, kordhinta wada-shaqaynta ciidamada, iyo dardargelinta hawlgalada difaaca qaranka.


0 





