Guddoomiyaha Saraar oo Kulan Horumarineed La Qaatay Hay'adda WHH
Guddoomiyaha Gobolka Saraar, Mudane Cabdirixiin Maxamed Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay kulan ballaadhan oo uu la yeeshay masuuliyiin sar-sare oo ka socday hay’adda WHH.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta gobolka Saraar, gaar ahaan mashaariicda ay hay’addu ka fuliso gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya maamulka iyo hay’adda.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay:
Maayirka Degmada Caynaba, Mudane Maxamed Haybe Maxamuud
Xoghayaha Gobolka Saraar, Xasan Siciid Seed (Xasan Bariise)
Isu-duwaha Wasaaradda Khayraadka Biyaha ee gobolka
Masuuliyiintu waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo mashaariicda horumarineed, gaar ahaan kuwa la xidhiidha biyaha iyo nolosha bulshada, si loo xoojiyo adeegyada aasaasiga ah ee ay bulshadu u baahan tahay.
Hay’adda WHH ayaa ka mid ah hay’adaha si firfircoon uga shaqeeya gobolka Saraar, iyadoo fulisa barnaamijyo kala duwan oo wax ka tara horumarinta adeegyada bulshada iyo taageerada nolosha dadka deegaanka.
Kulankan ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha iyo maamulka, si loo gaadho horumar waara oo gobolka ah.


0 





