Wasiirka Maaliyadda oo Berbera ka Daah-furay Tababar Sare oo Lagu Kobcinayo Awoodda Agaasimayaasha

0
Wednesday March 25, 2026 - 16:30:37 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 23
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda oo Berbera ka Daah-furay Tababar Sare oo Lagu Kobcinayo Awoodda Agaasimayaasha

    Hoggaaminta toosan iyo maaraynta isbeddelka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaaminta toosan iyo maaraynta isbeddelka

 

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa magaalada Berbera ka daah-furay tababar heer sare ah oo lagu kobcinayo aqoonta iyo xirfadaha Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda.

 

Tababarkan oo uu soo agaasimay Mashruuca ISEGP, isla markaana uu taageerayo Bangiga Horumarinta Afrika, ayaa diiradda saaraya horumarinta awoodda maamulka iyo dardargelinta waxqabadka wasaaradda.

 

Wasiirka Maaliyaddu waxa uu xusay in tababarkani leeyahay muhiimad gaar ah, isagoo tilmaamay in uu door weyn ka qaadan doono tayeynta shaqada iyo kor u qaadista hufnaanta maamulka maaliyadeed.

 

Tababarku waxa uu si gaar ah u xoogga saari doonaa afar qodob oo muhiim ah:

 

Hoggaaminta toosan iyo maaraynta isbeddelka

Isla-xisaabtanka iyo anshaxa shaqo ee maamulka maaliyadda

Qiimaynta shaqaalaha iyo kormeerka mashaariicda

Adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah sida IT iyo Garaadka Macmalka (AI)

 

Wasiirka ayaa u mahadceliyay dhammaan dhinacyadii soo abaabulay iyo kuwii maalgeliyay tababarka, isagoo ku booriyay ka qaybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iidaystaan.

 

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in tababarkani yahay mid ku soo beegmay wakhti muhiim ah, isla markaana mawduucyadiisu si toos ah ula xidhiidhaan shaqada maalinlaha ah ee Agaasimayaasha, isagoo kula dardaarmay inay ilaaliyaan waqtiga kana faa’iidaystaan fursaddan.

 

Dhankiisa, Maayirka magaalada Berbera ayaa ku amaanay Wasaaradda Maaliyadda doorka ay ku leedahay kobcinta aqoonta iyo hirgelinta nidaamyada casriga ah, isagoo xusay muhiimadda ay wasaaraddu u leedahay horumarka qaranka.


Loading...
Loading...