Guddoomiyaha Daadmadheedh oo Digniin Ka Bixiyay Khataraha Dooxyada Xilliga Roobka
Guddoomiyaha Gobolka Daadmadheedh, Mudane Cabdiraxmaan Herer, ayaa si adag uga digay khataraha ka dhasha dooxyada iyo biyo-mareennada xilliyada roobabka, isaga oo bulshada ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in gobolka Daadmadheedh uu yahay mid ka mid ah meelaha ugu badan ee leh dooxyada, isagoo xusay in ay maraan 5 doox oo waaweyn iyo 7 doox oo yaryar, kuwaas oo halis weyn ku haya dadka iyo xoolaha marka roobabku da’aan.
"Gobolka Daadmadheedh waa gobolka ugu dooxyada badan leh. Waxa mara 5 doox oo waa weyn iyo 7 doox oo yaryar. Waxaan uga digeynaa bulshada gobolka inay ka fogaadaan goobaha dooxyada iyo biyo-mareennada ah. Roobabkii iminka da’ay xoolo badan ayuu leeyay," ayuu yidhi guddoomiyuhu.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa bulshada ku dhiirrigeliyay inay si habboon uga faa’iidaystaan biyaha roobka, balse ay ka fogaadaan meelaha halista ah si looga hortago khasaare naf iyo maalba leh.
Digniintan ayaa imanaysa xilli roobabku ka curteen qaybo badan oo dalka ah, kuwaas oo sababay daadad iyo khasaare kala duwan, gaar ahaan deegaannada ay dooxyadu ku badan yihiin.


0 





