Xukuumadda Somaliland oo Ku Dhawaaqday Guul Laga Gaadhay Nabadaynta Waqdariya iyo Shidan

0
Wednesday March 25, 2026 - 16:21:55 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo Ku Dhawaaqday Guul Laga Gaadhay Nabadaynta Waqdariya iyo Shidan

    "Hawshii aan u soconay ee Waqdariya iyo Shidan ku saabsanayd,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hawshii aan u soconay ee Waqdariya iyo Shidan ku saabsanayd,



Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in guul laga gaadhay dadaalladii nabadeed ee laga waday deegaanada Waqdariya iyo Shidan ee gobolka Sanaag.


 

Wasiirka Wasaaradda, oo hoggaaminayay wafdi uu diray Madaxweynaha Somaliland si loo xalliyo xiisadaha ka jiray deegaannadaas, ayaa sheegay in hawshii loo igmaday ay si nabad ah ku soo dhammaatay, isla markaana la gaadhay isfahan buuxa.



 

"Hawshii aan u soconay ee Waqdariya iyo Shidan ku saabsanayd, nabad baan kasoo gaadhnay, guulna way noogu soo dhamaatay, deegaankiina waa isfahanay, wixii aan u soconayna way noo qabsoomeen," ayuu yidhi Wasiirku.


 

Wasiirku waxa uu sidoo kale caddeeyay in aanay jirin wax diidmo ah oo kaga yimid beelaha ku sugan deegaanka Shidan, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha qarameynta, taas oo muujinaysa horumar la taaban karo oo laga sameeyay wada-hadalladii.


 

Dhanka kale, waxa uu xusay in wafdi kale loo diri doono dhinacyada kale ee arrintu khusayso, si loo sii xoojiyo geeddi-socodka nabadaynta, isaga oo tilmaamay in hawluhu ay ku socdaan jihada saxda ah isla markaana ay jirto rajo weyn oo laga qabo xasillooni buuxda.


 

Guushan nabadeed ayaa loo arkaa mid muhiim u ah adkaynta amniga iyo midnimada bulshada ee gobolka Sanaag.

Loading...
Loading...