Xukuumadda Somaliland oo Soo Saartay Qiime Cusub oo Shidaalka ah

0
Wednesday March 25, 2026 - 16:17:18 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 31
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland oo Soo Saartay Qiime Cusub oo Shidaalka ah

    Naaftada: 10,500 Shilin Somaliland halkii litir...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Naaftada: 10,500 Shilin Somaliland halkii litir...



Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday go’aan cusub oo lagu beddelay qiimaha shidaalka, kadib shir muhiim ah oo ka qabsoomay xafiiska Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska.


 

Shirkan oo ay ka qayb galeen masuuliyiin xukuumadeed iyo ganacsatada keenta shidaalka dalka, ayaa lagu go’aamiyey in wax laga beddelo qiimaha, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha dhaqaale ee jira iyo isbeddelada ku yimid suuqyada.



 

Go’aanka cusub ayaa dhigaya:


 

Naaftada: 10,500 Shilin Somaliland halkii litir


Batroolka (Petrol): 12,500 Shilin Somaliland halkii litir


 

Masuuliyiinta iyo ganacsatada ayaa si wadajir ah u sheegay in go’aankan uu salka ku hayo xaqiiqada dhaqaale ee dalka iyo isbeddelada caalamiga ah, isla markaana looga gol leeyahay xasilinta suuqyada shidaalka iyo joogtaynta sahayda.


 

Tallaabadan ayaa la filayaa inay saamayn ku yeelato qiimaha gaadiidka, ganacsiga iyo guud ahaan nolosha bulshada, iyadoo xukuumaddu ku adkaysay in si buuxda loo dhaqan-geliyo qiimaha cusub.

Loading...
Loading...