Hargeysa: Qof Shacab ah oo U Geeriyooday Koronto ku Dhegtay

0
Wednesday March 25, 2026 - 00:29:34 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa: Qof Shacab ah oo U Geeriyooday Koronto ku Dhegtay

    Laamaha ammaanka, gaar ahaan Ciidanka Dambi-baadhista

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laamaha ammaanka, gaar ahaan Ciidanka Dambi-baadhista



Alle ha u naxariistee, hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday degmada Axmed Macalin Haaruun ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu ku dhacay shil la xidhiidha koronto (laydh).


 

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in marxuumka uu ku dhintay kadib markii uu ku dhegay xadhig koronto, xilli roobaadku socdo oo khataraha noocan ahi sii bataan.



 

Laamaha ammaanka, gaar ahaan Ciidanka Dambi-baadhista (CID), ayaa si degdeg ah u gaadhay goobta, iyaga oo bilaabay baadhitaan ku saabsan sababta rasmiga ah ee dhacdada.


 

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli si joogto ah bulshada looga digayo halista biraha laydhka iyo xadhkaha korontada xilliyada roobka, kuwaas oo sababi kara khasaare naf iyo maalba leh.


 

Bulshada ayaa mar kale lagu wargelinayaa inay ka feejignaadaan meelaha korontadu ku jirto, gaar ahaan marka roobku da’o, si looga hortago masiibooyin la mid ah.

Loading...
Loading...