DEG DEG Roobabkii Maroodi-jeex oo Sababay Khasaare Nafeed: Dooxa Dararweyne oo Qaatay Muwaadin
Khasaare naf oo xanuun leh ayaa ka dhashay roobabkii maanta
ka da’ay gobolka Maroodi-jeex, kadib markii uu daad xooggan qaaday Alle ha u
naxariistee Marxuum Maxamed Yuusuf Aw Aadan (Xaaji Jeeble).
Marxuumka ayaa waxaa qaaday Dooxa Dararweyne ee deegaan
beereedka, iyadoo raacdo dheer kadib maydkiisa laga helay deegaanka
Xumbo-weyne.
Dhacdadan murugada leh ayaa mar kale muujinaysa khatarta ka
dhalan karta dooxyada iyo meelaha biyo-mareennada ah xilliyada roobka, gaar
ahaan marka daadadku xoog yeeshaan.
Sidoo kale, ciidamada kala duwan ee Somaliland ayaa marar
badan shacabka iyo wadayaasha gaadiidka uga digay inay ka fogaadaan meelaha
halista ah xilliga roobabka, si looga hortago khasaare naf iyo maalba leh.
Bulshada ayaa lagu booriyay inay qaataan taxaddar dheeraad
ah, isla markaana ka fogaadaan dooxyada iyo meelaha ay biyuhu si xooggan u marayaan,
si loo badbaadiyo nafah


0 





