Agaasimaha Gaadiidka oo Digniin u Diray Darawalada: "Ka Feejignaada Waddooyinka Xilliga Roobka"

0
Wednesday March 25, 2026 - 00:23:12 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Gaadiidka oo Digniin u Diray Darawalada: "Ka Feejignaada Waddooyinka Xilliga Roobka"

    Agaasimuhu waxa uu sheegay in badqabka waddooyinku uu yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimuhu waxa uu sheegay in badqabka waddooyinku uu yahay



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Muxumed Cabdi, ayaa wadayaasha gaadiidka ugu baaqay inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah xilliyada roobabka, gaar ahaan marka ay marayaan biyo-mareennada iyo dooxyada.


 

Agaasimuhu waxa uu sheegay in badqabka waddooyinku uu yahay masuuliyad wadajir ah, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in darawaladu u hoggaansamaan xeerarka waddooyinka si looga hortago shilalka ka dhasha roobabka iyo daadadka.



 

Waxa uu sidoo kale xusay in baraha bulshada lagu arkay muuqaallo muujinaya darawallo si khaldan u maraya waddooyinka, taas oo khatar gelin karta nolosha darawalka iyo dadka kale ee isticmaala waddada.


 

Mudane Axmed Muxumed Cabdi ayaa ku booriyey ciidanka nabadgelyada waddooyinka iyo bulshada guud ahaan inay si dhow ula shaqeeyaan wasaaradda, isla markaana ay soo sheegaan darawal kasta oo ku kaca falal masuuliyad darro ah, si tallaabo sharci ah looga qaado.


 

Digniintan ayaa imanaysa xilli la galay xilli roobaad, oo ay kordhaan khataraha la xidhiidha daadadka iyo shilalka waddooyinka.

Loading...
Loading...