Wasiirka Maaliyadda: "Dhisidda Hay'adaha Dowladda Waa Furaha Horumarka Dalka"

0
Wednesday March 25, 2026 - 00:20:38 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 38
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda: "Dhisidda Hay'adaha Dowladda Waa Furaha Horumarka Dalka"

    Dalku waxa uu u baahan yahay in hay'adaha dowladda la dhiso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalku waxa uu u baahan yahay in hay'adaha dowladda la dhiso



Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan, ayaa sheegay in horumarka dalka uu ku xidhan yahay dhisidda iyo tayeynta hay’adaha dowladda.


 

Wasiirka oo maanta tababar u furay 50 sarkaal oo ka tirsan Waaxda Baadhista Gudaha ee wasaaradda, ayaa iftiimiyey muhiimadda ay leedahay in la helo hay’ado awood leh oo si hufan u shaqeeya.



 

"Dalku waxa uu u baahan yahay in hay’adaha dowladda la dhiso, haddii la dhisana waddanku horumar ayuu gaadhayaa, annaguna waxaan rabnaa inaan taariikh ka tagno," ayuu yidhi Wasiirku.


 

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in tababarkan uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo nidaamka kormeerka gudaha iyo isla xisaabtanka, si loo hubiyo hufnaanta maaliyadeed iyo maamul wanaagga.


 

Ugu dambayn, waxa uu ku boorriyay saraakiisha tababarka qaadanaysa inay ka faa’iidaystaan aqoonta la siinayo, isla markaana ay door muuqda ka qaataan horumarinta hay’adaha iyo ilaalinta hantida qaranka.

Loading...
Loading...