Guddoomiyaha Maroodi-jeex oo Shaaciyay Qiimaha Cusub ee Shidaalka
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, Prof. Axmed Maxamed Cadaad, ayaa shaaciyay qiimaha cusub ee shidaalka, isagoo sheegay in naaftada lagu iibin doono 9,592 Shilin Somaliland halkii litir, halka batroolka uu gaadhay 9,701 Shilin Somaliland halkii litir.
Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in go’aankan si rasmi ah looga hirgelin doono dhammaan magaalooyinka gobolka, gaar ahaan caasimadda Hargeysa, iyadoo fulintiisana si adag loo xaqiijin doono.
Waxa uu caddeeyay in hawlgalkan si toos ah loogu gaadhsiin doono kaalmaha shidaalka, isla markaana laga hirgelin doono guud ahaan gobolka, si loo hubiyo isku mid ahaanshaha qiimaha.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa xusay in Ciidanka Booliska ay door muuqda ka qaadan doonaan hirgelinta iyo ilaalinta amarkan, si loo xaqiijiyo in dhammaan ganacsatada shidaalku u hoggaansamaan qiimaha la jaangooyay.


0 





