Maayarka Hargeysa: "Ballantaydii Ma Beddelayo, Kursiga Waxaan Ka Degayaa 31 May 2026"
Maayarka Caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa markale caddeeyay in aanu waxba ka beddelayn ballantii uu hore u qaaday ee ahayd inuu xilka ka dego marka uu dhammaado muddo-xileedkiisa oo ku eeg 31 May 2026.
Maayarku waxa uu si adag u sheegay inuu diidan yahay muddo-kordhin, isaga oo ku tilmaamay mid aan dan u ahayn Somaliland, isla markaana uu mar walba kasoo horjeeday.
"Ballantaan shacabkayga u qaaday nin saacad badelaya ma ihi. Ummadda markaan muddo-xileedkooda u dhammeeyo si sharaf leh ayaan amaanadooda gacanta uga saarayaa. Aniguna kordhiska ma jecli, waana kasoo horjeedaa, danteenana maaha oo waa wax xun," ayuu yidhi Maayar Mooge.
Waxa uu sidoo kale muujiyay rajo ah in maayarka cusub ee xilka kala wareegi doona uu noqdo mid si daacadnimo iyo karti leh ugu shaqeeya caasimadda, isla markaana sii wada horumarka iyo adeegyada bulshada.
Hadalka Maayarka ayaa imanaya xilli ay taagan yihiin doodaha la xidhiidha muddo-kordhinta xilalka, taas oo uu si cad uga hor yimid, isaga oo ku adkaystay ilaalinta ballanqaadka iyo kalsoonida shacabka.


0 





