Wasiirka Beeraha oo Kormeeray 162 Beerood oo Daadadku Waxyeelleeyeen Gobolka Maroodi-jeex
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf, oo uu hoggaaminayo wefti heer sare ah, ayaa kormeer ku sameeyay 162 beerood oo waxyeelo ka soo gaadhay daadadkii ka dhashay roobabkii dhawaan ka da’ay dalka.
Kormeerkan ayaa ka dhacay deegaanada Xumbo-weyne, Jaleelo iyo Dararweyne ee gobolka Maroodi-jeex, halkaas oo roobabku sababeen khasaare ballaadhan.
Xumbo-weyne: 21 beerood ayaa waxyeello gaadhay
Jaleelo: 31 beerood ayaa saameeyay
Dararweyne: 110 beerood ayaa waxyeello gaadhay, kuwaas oo 65 ka mid ahi si buuxda u burbureen, laguna waayay dalaggii, ceelashii iyo qalabkii waraabka
Wasiirka ayaa intii uu kormeerka ku jiray la kulmay beeralayda iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo ka codsaday xukuumadda in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo lagu xakameynayo daadadka, si looga hortago khasaare mustaqbalka dhici kara.
Kormeerkan waxa wasiirka ku weheliyay masuuliyiin iyo khubaro ka tirsan Wasaaradda Beeraha, kuwaas oo qiimeyn ku sameeyay heerka waxyeellada iyo baahiyaha degdegga ah ee beeralayda.
Kormeerka ayaa qayb ka ah dadaallada xukuumaddu ku doonayso inay wax ka qabato saameynta isbeddelka cimilada iyo ilaalinta wax-soo-saarka beeraha, oo laf-dhabar u ah nolosha bulshada Somaliland.


0 





