Qoyska Dahabshiil oo Tacsi Tiiraanyo Leh ka Diray Geerida Xaaji Cali Muuse Axmed
Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil Group, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Xaajiyo Faadumo, Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale, iyo dhammaan Qoyska reer Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil), ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cali Muuse Axmed.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa odayaasha qurba-joogta ee dalka Ingiriiska, waxaana uu ku geeriyooday magaalada Liverpool, isaga oo jiray 91 sano.
Qoyska Dahabshiil ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda uu ka baxay.
Faahfaahinta Janaasada:
Salaadda Janaasada: Masjidka Al-Rahma, Liverpool
Waqtiga: Kadib Salaadda Duhur, 12:30 duhurnimo
Taariikhda: Arbaco, 25 March
Aaska: Qubuuraha Allerton Cemetery, Liverpool
Waqtiga Aaska: 1:30 duhurnimo
Ugu dambayn, dhammaan dadka awooda u leh ka qaybgalka janaasada ayaa lagu wargelinayaa inay kasoo qayb galaan.
Alle ha u naxariisto Marxuumka, Aamiin.


0 





