Madaxweynaha Maraykanka: "Wadahadallo ayaa u furmay Maraykanka iyo Iiraan"
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ay jiraan wada-hadallo u furmay Maraykanka iyo Iiraan, isagoo xusay in labada dhinac ay diyaar u yihiin inay gaadhaan heshiis.
Trump oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay: "Waxaan ku jirnaa wada-hadallo hadda, dhinaca kale-na waxay rabaan heshiis,” isagoo tilmaamay in xubno sare oo ka tirsan xukuumaddiisa ay la xiriirayaan mas’uuliyiin Iiraani ah.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in Iiraan ay muujisay rabitaan ah in la gaadho heshiis, isla markaana ay jiraan qodobo la isku fahmay, gaar ahaan arrimaha hubka nukliyeerka.
Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa muujinaya is-khilaaf ku saabsan arrintan, maadaama masuuliyiin Iiraani ahi ay beeniyey in wada-hadallo toos ahi socdaan, iyaga oo ku tilmaamay sheegashada Maraykanka mid aan sax ahayn.
Hadalkan Madaxweynaha Maraykanka ayaa imanaya xilli ay weli taagan tahay xiisadda dagaal ee Bariga Dhexe, taas oo si weyn u saameysay suuqyada tamarta iyo amniga gobolka.


0 





