Wasaaradda Duulista Somaliland oo Dalbatay in la Bedelo Wakiilka Flydubai ee Dalka

0
Wednesday March 25, 2026 - 00:06:10 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Duulista Somaliland oo Dalbatay in la Bedelo Wakiilka Flydubai ee Dalka

    Dalabkan ayaa la sheegay in lagu doonayo in wakiilnimada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalabkan ayaa la sheegay in lagu doonayo in wakiilnimada



Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Somaliland ayaa dalab rasmi ah u dirtay shirkadda diyaaradaha ee Flydubai, iyada oo ka codsatay in la beddelo wakiilka ay shirkaddu ku leedahay Somaliland.


 

Dalabkan ayaa la sheegay in lagu doonayo in wakiilnimada Flydubai laga wareejiyo shirkadda Safeway Travel, oo uu leeyahay muwaadin reer Somaliland ah oo muddo dheer ka shaqaynayay horumarinta ganacsigiisa, loona wareejiyo ganacsade kale.



 

Ganacsade Cumar Siciid Ducaale, oo muddo dheer ahaa wakiilka shirkadda ee Somaliland, ayaa la sheegay in xukuumaddu doonayso in lagu beddelo wakiil cusub. Sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah, warqadda codsiga ah waxa si toos ah ugu dirtay maamulka sare ee Flydubai Wasaaradda Duulista Somaliland.


 

Tani ma aha markii ugu horreysay ee arrintan oo kale la isku dayo, maadaama xukuumaddii hore ay hore u doonaysay in wakiilnimada laga wareejiyo ganacsade Cumar Siciid Ducaale, hase yeeshee aanay hirgelin, kadib markii shirkaddu tixgelisay xidhiidhka ganacsi iyo kalsoonida u dhaxaysa iyada iyo wakiilkeeda.


 

Shirkadda Flydubai ayaa ka mid ah shirkadaha diyaaradeed ee ugu waaweyn ee ay adeegsadaan shacabka Somaliland, gaar ahaan safarrada caalamiga ah, taas oo ka dhigaysa arrintan mid si weyn u saamayn karta adeegyada duulimaadyada iyo ganacsiga la xidhiidha.

Loading...
Loading...