DEG DEG Madxafka Qaranka Somaliland iyo Jaamacadda Northumbria oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Cilmi-baarista iyo Ilaalinta Hidaha

0
Monday March 23, 2026 - 20:41:09 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Madxafka Qaranka Somaliland iyo Jaamacadda Northumbria oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Cilmi-baarista iyo Ilaalinta Hidaha

    Agaasimaha Madxafka Qaranka ayaa soo bandhigay warbixin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Madxafka Qaranka ayaa soo bandhigay warbixin



Agaasimaha Madxafka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Cabdirisaaq Gavo), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Professor Katherine Baxter oo ka socotay Jaamacadda Northumbria University, kulankaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada cilmi-baarista iyo ilaalinta hidaha taariikheed.



 

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa cilmi-baadhis wadajir ah, loona xoojin lahaa kaydinta iyo ilaalinta taariikhda, dhaqanka iyo hiddaha Somaliland.


 

Agaasimaha Madxafka Qaranka ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan doorka muhiimka ah ee madxafku ku leeyahay ururinta, ilaalinta iyo soo bandhigista dhaxalka taariikheed iyo dhaqameed ee bulshada Somaliland.


 

Dhankiisa, Professor Baxter ayaa muujisay diyaar u ahaanshaha jaamacaddeeda ee xoojinta iskaashiga, gaar ahaan hirgelinta mashaariic wadajir ah, is-dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha.


 

Labada dhinac ayaa isla qaatay in la sii adkeeyo wada-shaqaynta mustaqbalka, si loo kobciyo cilmi-baarista iyo ilaalinta hidaha qaran, loona gaadhsiiyo jiilalka dambe dhaxalka taariikheed ee Somaliland.

Loading...
Loading...