DEG DEG Ganacsiga Saaxil oo Adkeeyay Jaan-goynta Qiimaha Shidaalka, Kaalmahana Looga Digay Xadgudubka
Isu-duwaha Wasaaradda Ganacsiga ee gobolka Saaxil, Mudane Cali Maxamuud Jaamac, ayaa farriin adag u diray kaalmaha shidaalka, isaga oo ku adkeeyay inay si buuxda u dhaqan-geliyaan wareegtada wasaaradda ee jaan-goynta qiimaha shidaalka.
Wareegtadan ayaa dhigaysa in:
1 litir oo naafto ah lagu iibiyo 9,500 shilling
1 litir oo petrol ah lagu iibiyo 9,700 shilling
Isu-duwaha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka gobolka Saaxil inay la shaqeeyaan hay’adaha dawladda, isla markaana soo sheegaan kaalmaha aan u hoggaansamin qiimahan, si tallaabo sharci ah looga qaado.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xukuumaddu ka go’an tahay ilaalinta danaha shacabka iyo xasillinta suuqyada, isla markaana aan la aqbali doonin cid ku xadgudubta go’aanka rasmiga ah ee qiimaha shidaalka.
Tallaabadan ayaa lagu doon


0 





