Afhayeenka Madaxweynaha: Xeerka H.R. 7993 Waa Fursad Taariikhi ah oo Somaliland u Furan

0
Sunday March 22, 2026 - 11:55:17 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 92
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Madaxweynaha: Xeerka H.R. 7993 Waa Fursad Taariikhi ah oo Somaliland u Furan

    Afhayeenku waxa uu sheegay in muddo ku dhow 35 sano Somaliland...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenku waxa uu sheegay in muddo ku dhow 35 sano Somaliland...



Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa si milgo leh ugu mahadnaqay Xildhibaan John W. Rose iyo mudanayaasha kale ee Congress-ka Maraykanka, kuwaas oo soo bandhigay hindise-sharciyeedka H.R. 7993 ee ku saabsan helitaanka dhaqaalaha iyo fursadaha Somaliland.


 

Afhayeenku waxa uu sheegay in muddo ku dhow 35 sano Somaliland si caddaalad-darro ah looga reebay nidaamyada maaliyadeed ee caalamiga ah, inkasta oo ay tahay dal leh xasilooni, dawlad shaqaynaysa iyo nidaam dimuqraadi ah, isla markaana leh muhiimad istiraatiiji ah.



 

Qoraal uu ku baahiyay barta X (Twitter) oo ay soo xigatay SOLNA, ayuu ku tilmaamay hindise-sharciyeedkan isbeddel weyn oo taariikhi ah, maadaama uu Somaliland u furayo waddooyin ay ku gaadho:


 

Bangiyada caalamiga ah


Soo jiidashada maalgashiga


Ka qaybgalka buuxa ee dhaqaalaha adduunka


 

Sidoo kale, Afhayeenku waxa uu xusay in tallaabadani ay fariin cad u dirayso beesha caalamka, taas oo muujinaysa in Somaliland aan mar dambe la iska indho-tiri karin.


 

Waxa uu intaas ku daray in arrintani aanay ku koobnayn oo keliya dhinaca dhaqaalaha, balse ay tahay tallaabo istiraatiiji ah oo Somaliland u sii dhaweynaysa kaalinteeda saxda ah ee ay ku leedahay caalamka.


 

Ugu dambayn, Xuseen Deyr ayaa hoosta ka xarriiqay in hindise-sharciyeedkani muujinayo isbeddel muuqda oo ku saabsan fahamka iyo aqoonsiga Somaliland, isla markaana caddeynaya in dalka uu xaq u leeyahay inuu ka mid noqdo nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah.

Loading...
Loading...