Shirka Qomiyada Kushitiga /4/8/019

0
Sunday August 04, 2019 - 19:20:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Qomiyada Kushitiga /4/8/019

    waxaan si aad iyo aad u wayn u soo dhawaynayaa oo aan aad u taageerayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaan si aad iyo aad u wayn u soo dhawaynayaa oo aan aad u taageerayaa   shirka si quruxda badan uga furmay magaalada jigjiga,waa shir aan si aad iyo aad ugu farxay oo aan fahmi karo ifafaalha ka dhex muuqan kara,

 

ma ah heshiis iyo in waxii laga dhex abuuray lagu dawaynayo ee waxaan u arkaa shir   qoto dheer oo ka talinaya mustaqbalka labadan umadood,

 

waxaanan qabaa in labadan umadood isir ahaan iyo dhaqaan ahaanba yahiin dad wax badan wadaaga oo hidahaa, waa laba umadood oo dhexdooda laga shaqeeyey sidii ay isu khilaafi lahaayeen .

 

waxaanan si aad ugu hanbalyeynayaa idheergaradka ,aqoonyahanka iyo salaadiinta garatay in la soo celiyo walaalnimadii jirtay mudo qarniyaal ah ka hor, waxaanan jecelahay in ay noqdaan dad dhinacyo badan iska tageera oo ku walaalooba danahooda gaarkaa ee siyaasad, dhaqaalha, isdhexgalka labada umadood,

 

waxaan qabaa shirkani in uu yahay iftiin u soo baxay Geeska Afrika oo mustaqbalka ku baahi doona mandaqada ,waaxaan odhan karaa waa  shirkii  deganaasha iyo horumarka mandaqada geeska,wax walbana meel bay ka bilaabmaan meelna way ku dhamaadaan, waxaana qurux badan in waxii dhacay laga noqdo xalay dhalay, oo qofkii qof  walaalkiiya nooleeya uu noqdo qof dadka mandaqada oo dhan nooleeyey,

 

shirka waxaan odhan waa walaaleeye  oo walaaleeyey laba walaalaa oo qarniyo kala baaday, waxaana jira waxa aad  shar  moodayso oo kuu khayra  ayaa jira, waxii dhacayna waxay inoo ahaayeen khayr,

 

gabogabdii

shirka waa in  uu noqdaa mid ay  ka soo baxaan qodobo dhaxgal ah oo jiilasha danbe u aayaan, oo uu noqdo dhaxal reeb,

by: khadar adam aw muuse

 

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...