Madaxweyne Cirro oo Wakhti U Qabtay Masuuliyiinta Safarada Ku Maqan inay Dalka Ku Soo Laabtaan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa wakhti cayiman u qabtay masuuliyiinta xukuumaddiisa ee safarada ku maqan, si ay dalka ugu soo laabtaan.
Go’aankan ayaa la sheegay inuu la xidhiidho dardargelinta shaqooyinka xukuumadda iyo joogtaynta masuuliyadda hoggaamineed, iyadoo laga doonayo masuuliyiinta inay si dhow ula socdaan hawlaha dalka ka socda.
Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay masuuliyiinta inay ilaaliyaan waajibaadkooda shaqo, isla markaana ay mudnaan siiyaan adeegga shacabka iyo horumarinta dalka.
Tallaabadan ayaa lagu fasiray mid muujinaysa sida ay xukuumaddu uga go’an tahay xoojinta nidaamka shaqo, isla xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka, si loo gaadho waxqabad muuqda oo bulshada anfaca.
Arrintan ayaa sidoo kale muujinaysa dadaallada lagu doonayo in la hubiyo in dhammaan masuuliyiintu ay si joogto ah uga qayb qaataan maamulka iyo horumarinta qaranka Somaliland.


0 





