(Q 12aad Ee Barnamijka Hogaan Iyo Horumar ENG Mohamed Aden Hassan)

0
Sunday August 04, 2019 - 19:17:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1134
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    (Q 12aad Ee Barnamijka Hogaan Iyo Horumar ENG Mohamed Aden Hassan)

    Waxa aynu falanqaynaynaa Raysalwasaraha siyaasada mar labaad ku soo noqday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aynu falanqaynaynaa Raysalwasaraha siyaasada mar labaad ku soo noqday
ee dalka malaysiya haatana ah raysalwasarha malaysiya iyo hogaamiyahay ugu cimri dheer hogaamiyayasha isla markaana ah shakhsi samayn badan o aduunka laga haybadaysto.

Dr. Mahathir Mohamed waxaa uu dhashay December 20, 1925, Magaalada Alor Setar, Xarunta gobolka Kedah ee dhacda dhanka waqooyiga Malaysia. Waa caqli badane Cabqari ah aqoon udugsan u leh habka iyo hanaanka dawlad wanaaga.



Shakhsi ahaan dr mahaatir waa waa hogaamiye aad u caqli badan isla markana garasho badan fir fircoon isla markaana wax qabad badan aad u neceb musuq masuqa iyo wax is daba marinta jecel mar walba horumarka iyo guusha.


Malaysiya waxa ay ahayd ka hor inta aan lo dooron raysalwasaare dal ama wadan aad u kulul roobab badana ka da’aan  iyo dhulka oo aad u jilicsan ma jiraan wax isku socod ah oo sidaas u badan oo dalka ka jira waxa aanu lahaa dalku kaneeco dilaa ah iyo waliba soboolnimo baahsan oo dalka dhamaan kawada jirta.


Hadaba dalko sidaas ah waxay malaysiya calfatay oo heshay hogaamiye caqli iyo cilmi badan hogaamiyahaso aad u jecel wax barashada iyo wax soo saarka.


Talabadii ugu horeyay e u qaado xaga horumarka waa in u dadkisa wax baray o macnahedu tahay in aan dalna horumarin isaga o aan dadkisa wax barin waxa u fahansiyay dhamaan nolosha waxa una ka dhigay dal dadkisu wax barteen lana tar tami karaan dadyawga caalamka.


Ka dib waxa u samayay o dajiyay siyaasad wax soo saar taas oo dalka lagu maal gashanaayo beero ka dib waxa aburmay wax so saar isla markaana waxa la helay shaqo abuur nolosha dadka wax ka badala isla markaana dalka wax ku so kordhiya.


Wax bar bar socotay in la dhiso kabayaal dhaqaale si lo baahi tiro shacabka isla markaana kor lo qaado waxso saarka dalka.

Hadaba malaysiya waxay noqotey dal dhaqalihiisu xogan yahay isla markaana mawadinintisu haystaan shaqoyin aad u wanaagsan o noloshoda wax ka badalay waana dhaqalayasha ugu xoogan asiya.


Maalin dhawayd waxay rajib dayib erdogan ku kulmeen dalka turkiga waxayna dhisayaan is bahaysi islimiya taas o la doonayo in lagu horumaro xaga millitariga iyo diyaaradaha iyo waliba xaga Technologyga isla markaana dawladaha  islaam ku noqdaan dawlado midaysan o dhinac walba ka horumarsan.


Waxyabaha aynu ku xasuusan doono DR mahatir maxamed waxa ka mid ah in u yahay hogaamiyaha malaysiya gaadhsiyay horumarka ay manta ku naaloto isla markaana ay aduun waynaha kula tartanto iyo waliba in u yahay hogaamiye musuqa necab o waxaynu ka garanaynaa in u dib uso laabtay isla markaana u la tartamay isbahaysigii raysalwasare najiib rasaaq isla markaaana kaga gulaystay  codod aqlibiyad ah ujedkisana yahay waa dr mahatir maxamed in u so celiyo kala danbayntii dawlada iyo in u xadhka ah u jaro musuq maasuqan xadhka ha goostay.

 

ALLA MAHAD LEH ALLA MAHAD LEH ALLA MAHAD LEH

BY:Mohammed Adam Hassan

Engineer and Politician Researcher And writer

Hogaan IYO Horumar.

DOORO HOGAAMIYE WANAAGSAN OO HORUMAR KEENI KARA IYO ISBADAL DUNIDANA INA GAADHSIIN KARA.

E-MAIL: [email protected]

Tell:         0634394700.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...